Soomaaliya, 24-ka Febraayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta oo Talaado ah Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Sophie (Duchess of Edinburgh), oo ah xubin sare oo ka tirsan Qoyska Boqortooyada Ingiriiska, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta bulshada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka muddada dheer ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo barnaamijyada daryeelka bulshada.







