Muqdisho (Dawan) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay xukuumadda inay shaqaalaha iyo madaxda dowladda ku qiimeyso kartidooda iyo waxqabadkooda, isagoo sheegay in xiriirrada siyaasadeed ama shaqsiyeed aysan saldhig u noqon karin xilalka dowladda.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay bandhigga xiritaanka la-xisaabtanka sannadlaha ah ee wasaaradaha xukuumadda Axaddii, kaas oo lagu soo bandhigay natiijooyinka waxqabadka iyo heerka ay wasaaraduhu ka gaareen qorshayaashii iyo bartilmaameedyadii loo dejiyay sannadka 2026.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in qiimaynta waxqabadka ay muujisay horumar la taaban karo marka loo eego sannadkii hore, isagoo wasiirrada ku booriyay inay sii wadaan horumarka oo ay qaataan mas’uuliyadda natiijooyinka shaqadooda.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay u baahan tahay nidaam lagu qiimeeyo waxqabadka shaqsiyaadka ka shaqeeya wasaaradaha, iyadoo shaqaalaha kartida leh la aqoonsanayo, kuwa aan gaarsiisnayn heerka looga baahan yahayna dib loo qiimeynayo.
“Waxaan rabnaa shaqsiyaadka inay shaqada ku yimaadaan marka horeba kartidooda,” ayuu yiri Madaxweynaha, isagoo sidoo kale ku baaqay in xilalka dowladda aan lagu saleeyn xiriirro siyaasadeed, qaraabo ama kooxeed.