Jabuuti (Dawan) – Dowladda Mareykanka ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii uu mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada dalkaas, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti.
War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyay in Mareykanku si weyn u soo dhoweynayo natiijada doorashada, isla markaana uu bogaadinayo xasilloonida siyaasadeed ee Jabuuti.
“Mareykanka wuxuu hambalyo u dirayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka dhow ee labada dal, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta dhaqaalaha, xasilloonida gobolka iyo amniga Bariga Afrika.


