Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamta oo Sabti ah daahfurtay mashruuc tamarta cadceedda ah oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, kaas oo loogu talagalay in koronto la isku halayn karo lagu gaarsiiyo iskuullo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Dowlad Goboleedka Woqooyi Bari, si loo xoojiyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah loona ballaariyo isticmaalka tamarta la cusboonaysiin karo.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Woqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, wasiirro ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Woqooyi Bari, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo dowladeed.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, mashruucu wuxuu si lacag la’aan ah koronto ugu siin doonaa xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada ee laga hirgelinayo, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadidda tayada adeegyada bulshada iyo xoojinta kaabeyaasha aasaasiga ah.
Mashruucan wuxuu qayb ka yahay Mashruuca Dib-u-soo-nooleynta Waaxda Korontada Soomaaliya (Somalia Electricity Sector Recovery Project – SESRP), oo ah barnaamij uu maalgelinayo Bangiga Adduunka si loo ballaariyo helitaanka koronto iyo horumarinta kaabeyaasha tamarta ee dalka.