Muqdisho (Dawan) – Kulan u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan mucaaradka ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho, sida ay xog ku heshay warbaahinta Dawan.
Kulanka ayaa la sheegay inuu ka dhici doono xerada Xalane, waxaana loo qorsheeyay inuu billowdo 11:00-ka subaxnimo. Ajandaha ugu weyn ee kulanka ayaa ah arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii loo xaqiijin lahaa hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
Dhinaca Dowladda Federaalka, kulanka waxaa la filayaa inay uga qeyb galaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.
Dhinaca mucaaradka, waxaa ka qeyb galaya xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku jiraan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Cabdiraxmaan Caynte oo ah xoghayaha Golaha.


