Muqdisho (Dawan) – Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shir lagu qiimeeyay mashruuca Damal Caafimaad, iyadoo diiradda lagu saaray waxyaabihii qabsoomay, hawlihii aan hirgelin iyo casharradii laga bartay muddadii uu mashruucu socday.
Qiimeynta ayaa qayb ka ah diyaarinta qorshaha wejiga cusub ee mashruuca, iyadoo talooyinka iyo casharrada laga soo saaro shirka la filayo in loo adeegsado qorsheynta mashruuc dambe oo ka ballaaran kan hadda socda.
Isku-duwaha Damal Caafimaad, Dr. Cabdi Kaamil Cali Salaad, ayaa sheegay in ka qaybgalayaasha shirka looga baahan yahay inay caddeeyaan sababaha ay u hirgeli waayeen qaar ka mid ah hawlihii hore loo qorsheeyay.
“Mashruuca soo socda... wuxuu noqon doonaa mid muddo dheer socda oo wejiyo kala duwan leh,” ayuu yiri Dr. Cabdi Kaamil, isagoo sheegay in wejiyadaas lagu kala hormarin karo sii wadista adeegyada caafimaadka iyo hagaajinta xarumaha caafimaadka.