Muqdisho (Dawan)- Faanka ficil ayaa noo dheer waa halku dhigga ay sannadkaan adeegsanayeen ku guuleystayaasha tartanka ugu xiisaha badan gayiga Soomaalida ee Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Ciyaar ku soo dhamaatay garba siman waqtigii loogu talagay ee 90-ka daqiiqo balse gool ku laadyo ay guusha ku raacday xulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa galabtii Isniinta (29 January 2024) lagu soo gaba gabeeyay garoonka tuulada ciyaaraha ee stadium Muqdisho.
Sidee Galmudug iyo Hirshabeelle kusoo gaareen finaalka tartanka?
Galmudug ayaa inta uu tartanka socday waxa ay soo garaacday xulalka Jubbaland, Koonfur-Galbeed, iyo Gobolka Banaadir oo ay kaga soo adgaatay ciyaarta afar dhamaadka halka ay bareejo la gashay Hirshabeelle kulankii furitaanka tartanka iyada oo la kulantay hal guul darro kadib markii ay Banaadir uga adkaatay 2 iyo 1.
Hirshabeelle ayaa soo martay dariiq ka fudud kaas iyada oo farxadda guusha dhadhamisay kaliya hal kulan balse awoodda Dastuurka kubadda cagta ku aruursatay dhibcaha ay ku muteysatay inay kusoo baxdo kaalinta koowaad ee Group-yada.
Seddex dhibcood ayay ka heshay ganaax la saaray Gobolka Banaadir kadib markii ay taarayaashooda ay rabshado ka sameeyeen ciyaartii ay wada ciyaareen Hirshabeelle iyo Banaadir, sidoo kale waxa ay si fudud ku heshay seddex dhibcood kadib markii ay Koonfur Galbeed ka baxday tartanka.
Marka laga soo tago kulankii koowaad oo ay Galmudug la galeen bareejo, waxa ay rigoorayaal uga badiyeen afar dhamaadki Maamul Goboleedka Jubbaland oo aan soo bandhigin sannadkaan ciyaar wanaagii ay caanka ku ahaayeen.