Addis Ababa (Dawan)- Kaliya 5.4% ayaa ku baasay imtixaanka fasalka 12-aad ee dalka Itoobiya. Sidaas waxaa warbaahinta ka hor sheegay wasiirka waxbarashada, Berhanu Nega,
Waa natiijo aad u hooseysa balse Itoobiya waxay ku faaneysa inay tahay natiijo ka wanaagsan marka la barbardhigo tii sanadkii hore ee ahayd 3.1%.
Waan usoo laaban doona faahfaahinteeda laakin aan ku hormarno natiijada dowlad deegaanka Soomaalida.
DDS: waxaa gudbay kaliya 261 arday
Horaantii bishii July, waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dowlad deegaanka Soomaalida u fadhiistay arday gaareysay 21,225 arday laakin natiijadii soo baxday xalay waxaa lagu sheegay inay gudbeen kaliya 261 arday oo udhiganta 1.2%.
Sannadki hore waxaa baasay imtixaanka fasalka 12-aad kaliya 74 arday, iyada oo ay imtixaanka ka qaybgaleen ilaa 22,000 arday.
Waxyaabaha kale ee laga diiwaan geliyay, waxaa ka mid ah in hal arday uusan ka baasin 158 Dugsi oo ku yaal dowlad deegaanka Soomaalida.
Waxaa isaguna jira hal dusgsi oo ay wada baaseen ardaydiisa, inkasta oo aysan noosuurta gelin inaan magaciisa helno.
Arday wax ka barta Iskuulka Kallamino ee ismaamulka Tigreega ayaa galay kaalinta koowaad ee imtixaankii shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee sanad dugsiyeedka 2024, isagoo keenay 675 buundo waxaana laga rabay 700
Ardayda ugu badan ee baasay imtixaanka waxay kasoo jeedaan caasimadda Addis Ababa waxaana imtixaankii ka gudbay 10,690 arday, taasoo u dhiganta 21.4% guud ahaan ardayda gashay imtixaanka.
Arrinka kale ee cajiib ah ayaa ah in 1,363 dugsi laga waayay hal arday oo gudbay imtixaanka.
Gobolka Amxaarada waxaa imtixanka u fadhiistay kala bar ardaydii xaqa u leheed inay ka qayb qaataan imtixaanaadka shahadiga, waxaana loo sababeyay colaadaha ka taagan gobolkaas.
Gobolka Amxaarada waxaa weli ka socda iska hor imaadyo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo jabhadda Fano oo saameyn ku yeeshay adeegayadii muhiimka ahaa oo ay ka mid tahay waxbarashada.
Sannadkii hore, ku dhawaad 97% ardaydu waxay ku guuldaraysteen inay ka gudbaan buunada lagu baaso ee 50%.
845,000 oo arday oo imtixaanka u fadhiistay sanadki hore, waxaa gudbay kaliya 27,267 (3.2%) kuwaas oo xaq u helay inay galaan jaamacadaha.
Maxaa sababay inay bataan ardayda ku dhaceysa imtixaanka?