Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa difaacay go’aanka dowladda ee lagu diray qaar ka mid ah dadka sameeya waxyaabaha lagu baahiyo baraha bulshada (TikTokers iyo influencers) si ay uga qaybgalaan madal caalami ah oo dhalinyaro lagu qabtay dalka Morocco, isagoo caddeeyay in aan laga reebi karin fursadaha noocaas ah sababo la xiriira shaqada ay ka qabtaan baraha bulshada.
Wareysi uu siiyay Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayuu wasiirku ku sheegay in dadka isticmaala TikTok, YouTube, Facebook iyo baraha kale ee bulshada ay leeyihiin xuquuq dastuuri ah oo la mid ah tan muwaadiniinta kale, isla markaana dowladda aysan dhalinyarada ku dhiirrigelinayn inay noqdaan saameeyayaal (influencers), balse ay aqoonsan tahay xaqa ay u leeyihiin inay ka faa’iideystaan fursadaha ay helaan.
“In qofku noqdo sameeye waxyaabo lagu baahiyo baraha bulshada waa doorasho shaqsiyeed. Haddii uu qofku doorto inuu noqdo bare jaamacadeed, siyaasi, shaqaale adeeg ama sameeye waxyaabo lagu baahiyo baraha bulshada, dhammaantood waa xuquuq uu dastuurku u dammaanad qaaday,” ayuu yiri wasiirku.
Isagoo ka jawaabayay su’aalaha la xiriiray habka loo soo xulay xubnihii ka qaybgalay shirka Morocco, ayuu Maxamed Cabdulqaadir sheegay in wasaaraddu ay ku dadaasho hufnaan iyo caddaalad marka la xulayo dhalinyarada metelaysa Soomaaliya, isagoo xusay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee dalka uu u diro wafdi dhalinyaro madallo caalami ah, isla markaana hore loogu diray shirar ay ka mid ahayd madal lagu qabtay Tunisia.
Wasiirku wuxuu sheegay in doorka dowladda uusan ku koobnayn dhiirrigelinta xirfad gaar ah, balse uu yahay la qabsiga xaqiiqada cusub ee baraha bulshada, iyadoo dhinaca kalena dhalinyarada laga wacyigelinayo khataraha ka dhalan kara isticmaalka aaladaha dhijitaalka ah.