Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa sheegay in xulka qaranka Soomaaliya ay hadda ku yar yihiin ciyaartoyda gudaha, halka ay ku soo bateen ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku nool dibadda, kuwaas oo uu sheegay inay door weyn ka qaataan matalaadda qaranka.
“National Team-ka waxa uu u badan yahay dhallinyarada qurba-joogta ah,” ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu sheegay in xulashada ciyaartoyda qaranka aan lagu saleyn oo keliya halka uu ciyaaryahanku joogo, balse ay laf-dhabar u yihiin heerka ciyaareed ee uu ku sugan yahay iyo sida uu ula jaanqaadi karo qaab-ciyaareedka iyo falsafadda tababaraha.
“Waxaa lagu xulaa ciyaartoyda maadaama waxa la aadayo ay yihiin international, in form-kooda fiican yahay oo macallinka falsafaddiisa waafaqo,” ayuu yiri.
Wasiirka ayaa sheegay in ciyaartoyda dibadda ku nool ay haystaan fursado horumarineed oo ka ballaaran kuwa gudaha, taasina ay sabab u noqotay in tiro badan oo ciyaartoy Soomaaliyeed oo caalami ah ay matalaan xulka qaranka, isla markaana ay guulo soo hooyaan.