Hargeysa (Dawan)- Maxaad ka taqaan siyaasiga aan ka quusan raadinta madaxtinimada Somaliland ee Faysal Cali Waraabe?
Goorta/ goobta dhalashada: 1948, Hargeysa
Waxbarashada: Engineer/ xiriirka caalamka
Siyaasadda: Aas-aasihii iyo hogaamiyaha xisbiga UCID
Waa markiisi afaraad ee uu u tartamo madaxtinimada Somaliland. Seddexdi jeer ee uu tartamay kama keenin guul laakin kama quusan inuu mar uun madaxweyne ka nqodo Somaliland. Kusoo dhawaada sooyaalka Faysal Cali Waraabe oo kooban.
Waxbrashadiisa iyo shaqooyinkii dowladdii dhexe
Faysal Cali Waraabe, waxa uu kuu dhashay magaalda Hargeysa xilli ku beegan sannadkii 1948. Waxbarsahadiisa ilaa dugsi sare wuxuu kusoo qaatay isla Hargeysa iyo magaalada caanka ku ah waxbarashada ee Boorama.
Kadib waxa uu helay fursad waxabarasho oo dibadda ah, wxuuuna cilimiga Engineernimada kasoo qaatay jaamacadda Leningrad ee dalka Ruushka xilligii dowladdii rayidka ee Soomaaliya.
Markii dowladdii dhexe duntay ee lagu kala cararay dalka, Faysal waxa uu ka mid ahaa dadkii u qaxay qurbaha isaga oo deegaan ka dhigtay dalka Finland.
Intii uu joogay halkaas, waxa uu ka bilalabay damiciisa siyaasadeed isaga oo jaamacadda Helsinki ka bartay cilmiga xiriirka caalamiga ah.
Faysal waxa lagu tiriyaa aqoonayahano dib u soo laabtay si ay uga qayb qaataan arrimihii dib u heshiisiinta iyo demintii colaadihii ka jiray Somaliland horraantii 1990 meeyadi.
Sanandkii 2000 waxa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Xibiga UCID, waxaana sanadkii xigay loo doortay guddomiyaha xisbiga ee uu yahay ilaa iyo hadda.
Horay waxa uu xilka madaxweynaha ugu tartamay seddex jeer oo kala ahaa 2003, 2010 iyo 2017, waana ku guul darreysatay dhamaantood balse qaamuskiisa kuma jirto inuu ka quusto xilka madaxweyne .
Wareysi uu dhawaan siiyay BBC waxa uu sheegay inuu bedeli doono magaca Somaliland sidoo kalena uu tarxiili doono Soomaalida kale uu ku nool deegaanada Somaliland.
Arrimaha kale ee ka mid ah qorshaha xisbigiisa waxaa ku jira abuuridda dhaqaale xor ah oo loo dhanyahay.