Seoul (Dawan)- Magaalada Seoul ee caasimadda Kuuriyada Koonfureed waxay marti gelineya maalmaha 4-ta iyo 5-ta bishan June, Shir-madaxeedki ugu horeeyay ee Jamhuuriyadda Kuuriya iyo Afrika iyada oo ujeedadu tahay kor u qaadista iskaashiga iyo isdhexgalka qaaradda Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed.
Ku dhawaad 48 mas'uul oo ka socda dalalka Afrika ayaa lagu wadaa in ay kasoo qayb galaan shirka, waxaana ka mid ah madaxdaas Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Sida uu sheegay Af-hayeenka xukuumadda Soomaaliya, Farxaan Maxamed Jimcaale, shirka waxaa lagu eegi doona sidii labada dhinac ay iskaashi uga yeelan lahaayen dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, hormarinta ganacsiga, kobcinta dhinacyada farsamada iyo tiknoolijiyadda.
Farxaan waxa uu intaas ku daray in shirka sidoo kale diiradda lagu saari doono dhibaatooyinka dunida soo wajahaya sida saameynta isbedelka cimilada, cunna yarida iyo dhibaatooyinka dhanka caafimaadka iyo tamarta.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka isaga oo ka hadli doona horumarka ay dowladda Soomaaliya ka sameyasay dhinacyada amniga, horumarimta dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, isaga oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doona madaxda kasoo qayb geleysa shirka.
Xiriirka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika
Xiriirka tooska ah ee Afrika iyo Kuuriyada Koonfureed waxa uu soo billaawday xilligii dagaalkii Kuuriya ee 1950-kii, iyada oo qaar ka mid ah dowladaha Afrika ay u fidiyeen taageero ciidan.
Tobankii sano ee ugu horeeyay qarniga 21-aad waxaa hirgalay isku duubnida iyo dadaallada lagu sii xoojinayo iskaashiga qaaradda Africa iyo Koonfurta Kuuriya, waxaana la unkay hay'ado u qaabilsan laba dhinac arrimaha iskaashiga kuwaas oo intooda badan qaabilsanaa dhinaca ganacsiga.
Jamhuuriyadda Kuuriyada Koonfureed waxaa loo aqoonsaday in ay korjooge ka noqoto Ururka Midowga Afrika markii lagu sameeyay dib u qaabeyn sannadkii 2005, arrintaas oo gogol xaar u noqotay in Ururuka iyo Kuuriyada ay wada yeeshaan wadashaqayn iyo xiriir toos ah.
Sannadkii 2006, iyada oo loo marayo "Hindisaha Horumarinta Afrika," Kuuriya waxay ku dhawaaqday inay ka go'an tahay inay la wadaagto waayo-aragnimadeeda horumarineed qaaradda Afrika.
Isla sanadkaas, waxaa la qabtay shirweynihii Iskaashiga Dhaqaalaha Kuuriya iyo Afrika (KOAFEC) iyo Madashii Kuuriya iyo Africa (KOAF) kuwaas oo laf dhabar u noqday inuu sii xoogeysto xiriirka iyo iskaashigii ka dhaxeeyay labada dhinac.
Miyey Kuuriya kusoo biirtay dowladaha waaweyn ee isku hardinaya Afrika?
Bishii November 2022, Kuuriyada Koonfureed waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday qorshaha martigelinta Shir Madaxeedka Kuuriya iyo Afrika ee 2024. Tillaabadan waxay ku fasirtay doonisteeda la xiriirta sii ballaarinta iskaashiga kala dhaxeeya qaaradda Afrika.
Cho Tae-yul, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Koonfureed, ahna Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabadda shir-madaxeedka Kuuriya iyo Afrika, ayaa yiri; " Markii ugu horreysay tan iyo markii la aa-saasay dowladda Kuuriya, waxaan ku casuunay hoggaamiyayaasha Afrika in ay kasoo qayb galaan shir-madaxeedka Kuuriya iyo Afrika oo aan doonayno inaan uga mira dhalino midnimadeena iyo iskaashigeena si aan mustaqbalka u gaarno barwaaqo iyo horumar waara oo dan noo wada ah"