Muqdisho (Dawan)- Markabka qodista iyo sahanka shidaalka ee badda, “Çağrı Bey”, ayaa lagu wadaa inuu hawlgalladiisa ka bilaabo Badda Soomaaliya sanadka 2026, taas oo ah tallaabo siii xoojinaysa iskaashiga istiraatiijiga ah ee sii kobcaya ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinaca tamarta.
Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow mashruuca, “Çağrı Bey” ayaa ka hawlgeli doona goobo ka tirsan biyaha Soomaaliya oo horey loogu sameeyay daraasado nuuca seismic ah, kuwaas oo muujiyay jiritaanka suurtagalnimo shidaal iyo gaas oo weli aan la qodin.
Magaca markabka, “Çağrı Bey”, waxaa laga soo qaatay Çağrı Bey bin Miika’iil, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Dawladdii Seljuuqiyiinta, isla markaana ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii taariikhiga ahaa ee Turkiga. Dowladda Turkiga ayaa inta badan maraakiibteeda casriga ah ugu magacda halyeeyada taariikhiga ah ee dalkaas.
“Çağrı Bey” ayaa ka mid ah maraakiibta qodista ee ugu casrisan caalamka, waxa uuna leeyahay awood farsamo oo sare. Waxa uu qaadi karaa ilaa 1,250 tan oo qalab qodis ah, wuxuuna awood u leedahay inuu qodo ilaa 12,000 mitir oo hoos ugu sii degaya gunta badda. Markabkan ayaa la soo saaray sannadka 2024, waxaana loo diyaariyay hawlgallo qoto-dheer oo badeed.









