Tehran (Dawan)- Ururka Xamaas ayaa si rasmi ah u xaqiijiyay in la dilay madaxii dhanka siyaasadda, ee ururka, Ismaaciil Haniyeh, kadib duqeyn ay Israel la beegsatay guri uu ku sugnaa oo ku yaal caasimadda Iran ee Tehran.
Telefishinka qaranka Iran ayaa sidoo kale baahiyay dilka Ismaaciil Haniyeh loogu geystay magaalada Tehran. Warbaahinta Iran oo soo xiganaysa mas’uuliyiinta dalkaas waxay sheegtay inuu socdo baaritaan la xiriira dilka hoggaamiyihii Xamaas, iyada oo lasoo bandhigi doono dhawaan.
Markii ugu dambeysay ee muuqaalkiisa la arko waxay ahayd fiidnimadii talaadada xilli uu ka qayb gelaayay xafladdii caleema saarka madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian
Waa kuma Ismaaciil Haniyeh?
Haniyeh, oo ku dhintay da'da 58, wuxuu kasoo jeeda qoys qaxooti ah sida ay u badanyihiin jiilka Falastiin ee hadda nool, waxaana qoyskiisa si xoog looga soo barakiciyay tuulada Joura Ashkelon sannadkii 1948-kii.
Waxa uu sannadkii 1963-kii ku dhashay Xera qaxooti oo ku taalla Waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza, isaga oo ku noola Gaza tan iyo sannadkii 2019-kii markuu u wareegay dalka Qatar.
Haniyeh waa uu ahaa aabaha 13 carruur ah, oo saddex ka mid ah ay dhawaan Israel ku dishay duqeyn ay la beegsatay bishii April ee sannadkan.
Kolanyo uu la socday ayaa sidoo kale xabbad lagu furay October 20, 2006, xilligaasoo iska horimaad hubeysan uu dhex maray ururada Fatax iyo Xamaas. Israel waxay la beegsatay gurigiisa oo ku yaalla Gaza dhowr duqeyn sannadihii u dambeeyay, si ay uga takhalusto.
Hoggaamintiisi xukuumadda Falastiin iyo Xamaas
Intii lagu guda jiray kacdoonka loo yaqaano Intifadadii ugu horeysay ee Falastiin, oo bilaabatay 1987 socotayna ilaa 1994, Haniyeh waxa uu ka mid ahaa dhallinyaradii soo caan baxday, isaga oo lagu tilmaamay inuu ragga asaagiisa ah uga tilmaana af-tahanimo iyo xamaasad dheeraad ah.
1997, Haniyeh waxa uu agaasime ka noqday xafiiska aasaasihii ururka Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin, ka dib markii ay sii daysay Israel.
Intii lagu guda jiray doorashooyinkii Baarlamaanka ee la qabtay sannadkii 2006, Haniyeh wuxuu madax ka ahaa kutlada Isbeddelka ee ku xirneed ururka Xamaas, waxeyna ku guuleysteen inta badan kuraastii Baarlamaanka, taas oo keentay in madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas u magacaabo Ra'iisul Wasaare.
Bishii June, 14, 2007, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa xilka ka qaaday Ismaaciil Haniyah kadib markii iska hor imaad hubeysan dhex maray labada urur ee Fatax iyo Xamaas.
Laga soo billoobo sannadkii 2007, Haniyeh waxa uu noqday Madaxa Xamaas ee Marinka Gaza, ka hor inta aan lagu bedelin Yahya Sinwar sannadkii 2017.