Paris (Dawan)- Sannadkan, laba iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa kasoo muuqday masraxa abaal marinta ee tartanka Olympic-da Paris ee 2024. Ugu yaraan dalkiiba wuxuu helay hal billad, waxeyna wadarta guud lasoo laabtay qaaradda Africa 39 billadood, taas oo ka dhigan in billad dheeraad ah kusoo biirtay qaaradda marka la barbardhigo Olympic-dii Tokyo ee dalka Japan.
Kenya ayaa hoggaaminaysa tirada billadaha marka laga hadlayo Africa, waxeyna aruursatay 11 billadood oo ay ku jiraan 4 Dahab ah. Kenya ayaa caan ku ah guulaha ay ka gaarto ciyaaraha fudud, gaar ahaan kuwa orodada dhexe iyo kuwa dhaadheer.
Kala horeynta dalalkii kasoo qayb galay marka la eego Olympic-da Paris, Kenya waxay qabsatay booska 17-aad
Algeria ayaa labaad ka gashay Africa, kadib markii ay gacanta ku dhigtay 2 billadood oo Dahab ah iyo hal Maar ah. Imane Khelif ayaa loo caleema saaray horyaalka Olombikada ee dhanka feerka ee -66 kg. Inkasta oo ay wajahday muran ku saabsan jinsigeeda iyo nacaybka ku dhisan faquuqa ee uga imaanayay warbaahinta iyo siyaasiyiinta reer-galbeedka, hadana waxey muujisay dulqaad iyo adkaysi ka tarjumay tartanka ay ku jirtay ee feerka.
Kaliya 46 il-biriqsi ayay ku qaadatay inay jahwareer ku riddo kagana guuleysato dhiggeeda ka socotay Talyaaniga ee Angela Carini.
Koonfur Africa ayaa soo tiigsatay kaalinta seddexaad, waxaana loo diiwaan geliyay billad Dahab ah oo dhanka dabaasha ah seddex Qalin ah iyo laba Maar ah.
Itoobiya ayaa ku dhameysatay afarta sare, waxayna heshay billad Dahab ah balse waxaa u dheer seddex billadood oo Qalin ah.