Muqdisho (Dawan)– Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika isla markaana ah Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Safiir El Hadji Ibrahima Diene, ayaa faahfaahin ka bixiyay howlaha horetbinta u leh iyo bartilmaameedka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, xilli uu marti ku ahaa barnaamijka Miizaan Podcast ee ka baxa Dawan Media.
Safiirka ayaa sheegay in AUSSOM ay dejisay afar qorshe oo hagaya istiraatiijiyad howleedka 12 ilaa 24-ka bilood ee soo socda, kuwaas oo si dhow ula xiriira taageeridda dadaallada dowladda Soomaaliya iyo xoojinta doorka Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.
Mudnaanta koowaad ee AUSSOM ayaa ah wiiqidda kooxda Al-Shabaab ilaa laga burburiyo awooddooda, iyadoo la kaashanayo lana shaqeynayo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed (SNA). Diene wuxuu xusay in hawlgallada milatari si wadajir ah loo qorsheeyo, la isku duwo, loona fuliyo, iyada oo ay hoggaamineyso dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa saaxibadeeda caalamka.
Mudnaanta labaad ayaa ee howlagalka ah ilaalinta rayidka, oo ay ku jirto fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo. Madaxa AUSSOM ayaa tilmaamay in howlgalka uu ka shaqeynayo abuurista jawi ammaan ah oo u sahlaya hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimo inay si hufan u gaaraan dadka u baahan gargaar degdeg ah.







