Jabuuti (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa ku baaqday in la dejiyo dagaalka ka socda Itoobiya, khilaafaadkana lagu xalliyo wadahadal, iyadoo ka digtay in dib u soo cusboonaanshaha colaadda ay dhaawici karto horumarka dalkaas iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.
Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI ayaa Axaddii sheegtay in Jabuuti ay si dhow ula socoto xaaladda Itoobiya, isla markaana ay taageereyso dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
“Jabuuti, oo ay ka go’an tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, waxay ku baaqeysaa dejinta xiisadda iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.