Muqdisho — Inkasta oo natiijada rasmiga ah ee doorashada ay qaadan doonto toddobaadyo si loo shaaciyo, haddana saacadihii ugu horreeyay ee ay soo xirmeen goobaha codbixintu, waxaa soo baxay natiijooyin kale oo loo arko kuwo ka miisaan culus tirinta codadka lafteeda.
Warbixintan waxaan ku eegaynaa: yaa loo arkaa inay guuleysteen, yaase ku hungoobay loollanka maalintii Khamiista ka dhacay caasimadda.
Guulaha muuqda
In ka badan nus milyan muwaadiniin ah ayaa muddo ku dhow 12 saacadood gudahood ah codkooda ka dhiibtay in ka badan 500 goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Hawshan oo ay markii ugu horreysay si buuxda u maamuleen guddiga doorashada iyo ku dhowaad 5 kun oo howlwadeen, ayaa lagu tilmaamay mid si habsami leh u dhacday, laga soo bilaabo qorsheynta ilaa fulinta.
Arrintaas ayaa meesha ka saartay shakigii laga qabay kartida, hufnaanta iyo waxtarka hay’adaha doorashada, iyadoo lagu tilmaamay guul laga gaaray dood muddo dheer taagneyd oo ku saabsan “tayada iyo kalsoonida hay’adaha maxalliga ah”.
Dhanka ammaanka, isu soo baxa ballaaran ee muwaadiniinta, fududeynta gaadiidka, iyo sugidda amniga caasimadda ayaa noqday tijaabo kale oo culus. Ciidamada ammaanka ayaa lagu ammaanay inay si guul leh uga gudbeen caqabaddaas, taasoo wiiqday doodihii hore ee ku salaysnaa in “dalka uusan ammaan u ahayn doorasho toos ah" sida uu qabo Xuseen Cabdi oo hore uga tirsanaa guddiga doorashooyinka









