Muqdisho (Dawan)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka doodayay dhameystirka Dastuurka kumeel gaarka ah gaar ahaan cutubyadiisa 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad si ugu dambeyn loo ansixiyo Dastuur rasmi ah uu dalku yeesho.
Doodda ugu adag waxa ay ka taagantahay cutubka afaraad oo lagu sameeyay isbedel xoogan iyada oo lagu soo kordhiyay madaxyada ugu badan, qodobo cusub iyo farqooyin dheeraad ah marka lala barbardhigo cutubyada kale ee Guudiga Dastuurka usoo gudbiyay Baarlamanaka si looga doodo.
Dhamaystir mise bedelaad Dastuur?
Xildhibaan Caabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta kasoo horjeedda hannaanka uu ku socdo dhameystirka Dastuurka ayaa yiri; "Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood"
Madaxweynihii kumeel gaar ahaa, Shariif Sheekh Axmed ayaa aaminsan in Dastuurku uu ku jiro mabaadi'da guud ee aan la bedeli karin, waxa uuna hoosta ka xariiqay in nidaamka xisbiyada badan uu yahay lama taabtaan.
Sidoo kale, Shariif waxa uu soo jeediyay in marka hore la dhiso Guddiga adeegga Dastuurka iyo Maxkamadda Dastuuriga kadibna loosoo jeesto dhamaystirka Dastuurka, isaga oo yiri; "Dastuurka waxa uu ku meel gaar ka baxaya marka afti dadweyne loo sameeyo, inta ka horeysa sidiisa ayuu ahaanaya"
Maxey yihiin qodobada la isku hayo ee wax laga bedelay?
Hay’adaha Sida Tooska ah loo Dooranayo: Qodobkaan waxa uu uu sharraxaya hay’adaha sida tooska ah loo dooranayo oo kala ah; Hay’adaha Dastuuriga sida Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Kuxigeenka Dawlad Goboleedka oo looga jeedo madaxweynyaalka Dowlad Goboleedyada, Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka, iyo Golaha Deegaanka, Duqa magaalada iyo kuxigeenka Duqa ee Dowladaha Hoose.
Hay'adaha heer deegaan ah waxaa dooran doona dadka deegaankooda halka kuwa heer Dowlad Federaal ah ay dooraan doonaan guud ahaan muwaadiniinta.
Muddada Xilhaynta: Qodobkaan ayaa xusaya in dhamaan Hay’adaha Dastuuriga ah ee sida tooska ah loo soo doortay in ay xilhayntoodu tahay 5 sano, isla markaana hal mar la wada qabanayo xilli doorashadooda marka laga reebo Golayaasha deegaanka oo laga hormarinayo.
Codbixiyaha: Qodobkaan waxa uu tilmaamaya qofka muwaadinka ah ee xaqa u leh inuu is duiiwaan geliyo si uu wax u doorato iyada oo shuruud looga dhigay da'da 18 jir, waxaana ka mas'uul ah diiwaan gelinta Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka.
Sidoo kale qodobkan wuxuu xusayaa dadka aan xaqa u lahayn in la diiwaan geliyo oo ay codeeyaan kuwaas oo ay ku jiraan dadka aan dhimirkoodu dhammeyn iyo qof maxkamad ay codeynta ka mamnuucday .
3: Xisbiyada Siyaasadda: waa madaxa seddexaad waxa uuna u qeyb samaa ilaa iyo 3 qodob oo kala ah; Kaalinta Xisbiyada Siyaasadeed, Shuruudaha Xisbiyada Siyaasadeed iyo Tartanka Xisbiyada Siyaasadeed.