Muqdisho (Dawan) – Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Soomaaliya ay galeyso “weji cusub oo siyaasadeed,” iyadoo wada-hadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka lagu wado in lagu gaaro is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo marxaladda kala-guurka siyaasadeed.
Qoraal ay ku daabacday barteeda X, Safiir Di Mauro ayaa sheegtay in wada-hadalladu ay hiigsanayaan in lagu heshiiyo “hannaanka loo marayo doorashooyinka,” iyadoo carrabka ku adkeysay baahida loo qabo hannaan doorasho oo macquul ah, loo dhan yahay, isla markaana ay cod ku yeeshaan haweenka iyo dhallinyarada.
“Maanta Soomaaliya waxay galeysaa weji cusub oo siyaasadeed,” ayay qortay Di Mauro, iyadoo intaas ku dartay: “Gelinka dambe ee maanta ayaan sugeynaa war-murtiyeedka wadajirka ah iyo jadwal cad oo lagu gaarayo kala-guur xasilloon.”


