Muqdisho (Dawan)— Magaalada Muqdisho ayaa maanta martigelisay laba bannaanbax oo aragti ahaan iska soo horjeeday, kuwaas oo kala taageersanaa mucaaradka iyo Dowladda Federaalka, xilli uu sii xoogeysanayo muranka siyaasadeed ee dalka.
Bannaanbaxii ugu horreeyay ayaa galabnimadii maanta ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Laamiga Yar ee Soobe, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad watay boorar ay ku muujinayeen diidmada ay ka qabaan sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u maareyneyso xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee dalka.
Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galay isu soo baxaas ayaa sheegay inay ka cabanayaan waxa ay ku tilmaameen hubanti looga qaaday si aan waafaqsaneyn hannaan dowladeed, iyagoo xusay in bannaanbaxoodu la xiriiraan difaaca xuquuqdooda.
Dhanka kale, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin, ayaa si adag uga hadlay bannaanbaxyada looga soo horjeedo dowladda, isagoo sheegay in mas’uuliyadda wixii khasaare ama dhibaato ah ee ka dhasha isu soo baxyada noocaas ah ay qaadi doonaan dadka soo abaabulay.
“Kuwa mas’uuliyiintii hore ahaa waxaan leenahay: shalay maanta ma aha. Dambiga qofkii soo abaabula ayaa loo raacanayaa,” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin.


