Muqdisho (Dawan) – Midowga Yurub ayaa sheegay in uu doonayo in uu ballaariyo iskaashigiisa Soomaaliya, ee ku koobnaa taageerada horumarineed, kuna tala jira xoojinta ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka hay’adaha gaarka loo leeyahay, sida ay sheegtay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro.
Safiir Di Mauro ayaa Dawan u sheegtay in Yurub weli tahay saaxiib muhiim u ah horumarinta Soomaaliya, balse sidoo kale ay doonayso in ay kor u qaaddo ajendaha dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Waxay tilmaantay in goobta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya, xeebaha dheer, fursadaha kalluumeysiga, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo dhalinyarada dalka ay yihiin fursado muhiim ah oo maalgashi mustaqbalka.
“Runtii waxaan nahay taageere horumarineed oo weyn,” ayay tiri, iyadoo intaa ku dartay in Midowga Yurub ay sidoo kale aqoonsan tahay “goobta geostrategy- iga ah ee Soomaaliya.”
Safiirka ayaa sheegtay in ganacsiga Soomaaliya iyo Yurub uu hadda gaarayo qiyaastii $160 milyan, isla markaana la filayo in la ballaariyo, iyadoo badeecadaha Soomaalida ay geli karaan Midowga Yurub iyadoo aan lagu soo rogin canshuur ama xadeyn.
Di Mauro ayaa intaa ku dartay in ajendaha Global Gateway ee Midowga Yurub uu horey u taageeray kaabayaasha dhaqaalaha, waddooyinka, tamarta la cusboonaysiin karo, beeraha, horumarinta dijitaalka, iyo kobcinta silsiladaha wax-soo-saarka.


