Muqdisho, Abriil 11, 2026 (Dawan) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, kaddib guushiisa doorashada madaxtinimada.
Qoraal uu ku daabacay baraha bulshada maanta oo Sabti ah, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu la hadlay dhiggiisa Jabuuti si uu ugu hambalyeeyo guusha doorashada iyo kalsoonida mar kale la siiyay.
“Waxaan bogaadinayaa shacabka Jabuuti sida ay uga go’an tahay xasilloonida iyo horumarka dimuqraadiyadeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay rajaynayso xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dal.


