Garoowe (Dawan) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Axaddii xarigga ka jaray wejiga koowaad ee mashruuca biyo-mareennada NAGAAD ee magaalada Garoowe. Mashruucan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo kaabeyaasha Garoowe, laguna yareynayo khatarta fatahaadaha iyo biyaha roobka ee saameeya waddooyinka iyo xaafadaha magaalada.
Dhismaha mashruuca, oo la dhagax-dhigay bishii May 2025, ayaa si rasmi ah u billowday 15-kii Juun ee isla sannadkaas, waxaana la dhammaystiray bishii Juun 2026.
Dhismaha wejigan ayaa ku kacay qiyaastii $5.77 milyan, sida ku cad xogta qandaraaska mashruuca. Qandaraaska waxaa lagu wareejiyey shirkadda TTN Construction Company, oo fulisay hawlaha dhismaha.
Mashruuca waxaa maalgeliyey Bangiga Adduunka, iyadoo Dowladda Hoose ee Garoowe ay qayb ka tahay hirgelintiisa. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan adeegyada mashaariicda ee UNOPS ayaa iyaduna ka qayb qaadatay qiimeynta iyo taageerada farsamo.