Muqdisho (Dawan) – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay Soomaaliya u fasaxday $10 milyan oo laga bixiyay Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, si looga hortago khatarta sii kordheysa ee cunto-yarida iyo gaajada ka jirta dalka.
Madaxa gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay, Tom Fletcher, ayaa sheegay in ku dhawaad 6 milyan oo qof oo Soomaali ah ay wajahayaan xaalado cunto-yari iyo gaajo, kuwaas oo ay ku jiraan 1.9 milyan oo qof oo ku jira xaalad degdeg ah.
Sida uu sheegay Fletcher, dhaqaalahan ayaa loogu talagalay in lagu bixiyo gargaar naf-badbaadin ah oo ay ka mid yihiin cunno, nafaqo, adeegyo caafimaad iyo biyo nadiif ah, iyadoo la qorsheynayo in laga faa’iideeyo ku dhawaad 640,000 oo qof oo ku nool Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa xustay in xaaladda bani’aadannimo ay sii xumaaneyso, iyadoo ay sabab u yihiin amni-darrada cuntada, nafaqo-xumada baahsan iyo helitaan la’aanta adeegyada aasaasiga ah.