Muqdisho (Dawan)— Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay colaadaha sii xoogeysanaya ee Baydhabo, iyadoo ka digtay in amni-darrada iyo barakaca soo noqnoqda ay sii xumeynayaan xaaladda bani’aadantinimo ee dadka rayidka ah.
Isuduwaha Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, George Conway, ayaa Sabtidii sheegay in colaadaha ay khatar gaar ah ku hayaan dadka barakacayaasha ah, haweenka, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah. Wuxuu xusay in xaaladda ay uga sii darayaan khatarta macaluusha, nafaqo-darrada carruurta iyo fatahaadaha laga cabsi qabo ee la xiriira ifafaalaha El Niño.
Qaramada Midoobay ayaa si gaar ah uga digtay khatarta ka dhalan karta weerarrada lagu qaado xarumaha caafimaadka, iyadoo xustay in isbitaallada, xarumaha caafimaadka, dugsiyada iyo kaabeyaasha kale ee rayidka ah ay tahay in la ixtiraamo lana ilaaliyo.