Jabuuti (Dawan)- Geeska maqaayad u gaar ah cuntooyinka Badda, waxaa fadhiya afar badmaax oo Japan u dhashay, waxa ay ku mashquulsanyihiin taleefanadooda gacanta. Bartmaha maqaayadda waxa cunto fudud ku cunaya laba dumar ah oo u dhashay dalka Faransiiska, halka miisaska kalena ay fadhiyeen ajaanib kasoo kala jeeda dalal kala duwan, kuwaas oo intooda badan ka howl gala xarumaha ciidamada shisheeye ee ku yaala magaalada Jabuuti.
Axmed Cabdi waa kabalyeeri ka howl gala maqaayadda, waxa uuna marba tegaya miis ka mid ah miisaska isaga oo ku hadlaya luqado kala duwan si uu macaamiisha uga qaado dalabkooda.
Waxaa dadka soo jiidanaya cimaamadda ay caanka ku yihiin dadka reer Falastiin (Koffiyeh) ee garabka u saaran. Marka la weydiiyo sababta uu u xirtay , waa uu ka cudur daarnaya inuu ka bixiyo jawaab balse waxa uu calaamadda guusha ku muujinaya farahiisa ( farta dhaxe iyo murusatada)
Axmed kaliya ma aha ee reer Jabuuti waxay siyaabo kala duwan u muujiyeen garab istaagooda iyo taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta, iyada oo si rasmi ah ay Dowladda Jabuuti u qaadatay mid ka mid ah go’aanada ugu adag Afrika ee lagu taageray Falastiin
Gargaar xaq ah
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti , Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu uusan cambaareynin weerarrada Xuutiyiinta, sababtoo ah waxay u arkaan inay yihiin gargaar xaq ah oo loo fidiyay Falastiiniyiinta, isaga oo tilmaamay in aysan ka qeyb qaadan doonin isbaheysiga uu Mareykanku ku dhawaaqay ee Badda Cas.
Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dalkiisu diiday codsigii Mareykanka ee ahaa in lagu rakibo dhulkooda gantaalo lagu bartilmaameedsado Xuutiyiinta Yemen.
Jabuuti ayaa ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay dacwadda ay Koonfur Afrika ka gudbisay Israa'iil ee la horgeeyay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.