Muqdisho (Dawan) – Safaaradda Türkiye ee Soomaaliya ayaa baahisay farriin sagootin ah oo uu Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Alper Aktaş, ku sheegay inuu soo gabagabeeyay muddadii uu xilka safiirnimo ka hayay Muqdisho, isagoo sheegay inuu u wareegayo xil cusub oo diblomaasiyadeed.
Alper Aktaş ayaa sheegay in ay sharaf u ahayd inuu Soomaaliya ka shaqeeyo tan iyo bishii Maarso 2024, isla markaana uu door ku lahaa xoojinta xiriirka ballaaran ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye.
Safiirka ayaa xusay in iskaashiga labada dal uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, sinaan iyo taageero labada dhinac ah, isagoo tilmaamay in Türkiye ay Soomaaliya kala shaqeysay dhinacyo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, amniga, waxbarashada, caafimaadka, gargaarka bani’aadannimo iyo horumarinta awoodaha hay’adaha.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhinacyo badan, gaar ahaan soo celinta xasilloonida magaalooyinka iyo horumarinta adeegyada kala duwan, isagoo tusaale u soo qaatay dib-u-soo-noqoshada nolol maalmeedka Muqdisho iyo jawiga nabdoon ee magaalada.