Washington (Dawan)- Muwaadiniinta Mareykanku marka ay ka qayb qaadanayaan doorashada madaxtinimo ee dhaceysa 5ta bishan November, intooda badan waxa ay u codayn doonaan murshaxa Dimuqraadiga Kamala Harris ama murashaxa Jamhuuriga Donald Trump.
Laakin codadka ay dhiibtaan kuma filna inay go'aamiyaan cidda ku guulaysatay xilka madaxweynaha.
Tusaale ahaan, Donald Trump ayaa Hillary Clinton kaga guuleystay doorashadii madaxtinimada ee 2016, inkastoo ay ka badneed ilaa saddex milyan oo cod.
Sidoo kale, sannadkii 2000, George Bush wuxuu noqday madaxweynaha Mareykanka, waxaana 500,000 oo cod ka badnaa ninkii la tartamayay ee Albert Arnold Gore.
Sidee ku dhcii kartaa in murshax aysan dooran shacabka uu noqodo madaxweynaha Mareykanka? Aaway Dimuqraadiyaddi iyo hufnaanti doorashada reer-galbeedka?
Si guud haddii aan usoo koobno, doorashooyinka madaxtinimo ee Mareykanku waxay ku salaysan yihiin nidaam codbixin dadban oo ay adagtahay xitaa inay fahaamaan muwaadiniinta dalkaas.
Madaxweynaha gelaya Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka, waaa inuu helaa codadka 270 codbixiyayaasha sare ee loo yaqaano afka qalaad " electoral college"
Waa maxay electoral college?