Muqdisho (Dawan)- Dhammaadka sannadka soo socda ee 2024-ka waxaa lagu wada in dhammaan Ciidamada Nabad Ilaalinta u jooga Soomaaliya ay ka baxaan, iyada oo mas'uuliyadda amniga dalka ay dhabarka u ridan doonaan Ciidamada Soomaaliya.
Sidee ku billaawday Howlgalka Nabad Ilaalinta?
21-kii Febaraayo 2007, xilli hadda la joogo 16 sano ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxa ay meel mariyeen qaraar oggolaanaya in ciidama ka socda Midowga Africa la geeyo Soomaaliya oo xilligaas la ciir ciireysay xaalad amni darro, taas oo keeni kartay in ay burburto Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee xilligaas.
Bishii Maarso 2007, Askarigi ugu horeeyey ee ka socda dalka Uganda ah ayaa kasoo degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana xigtay in dhowr waddan oo Afrikaan ah ay qeyb ka noqdeen howlgalka nabad ilaalinta ee xilligaas loogu magac daray AMISOM.
Burundi ayaa ciidamadoodu yimaadeen December 2007, Ciidamda Hiil-walaal ee Jabuuti ayaa ku xigay oo soo caga dhigtay December 2011, halka kuwa Kenya ay soo galeen February 22, 2012 iyo Itoobiya oo 22 January 2014 noqotay waddankii ugu dambeeyey ee kusoo biiray AMISOM.
April 1, 2022 waxaa la beddelay magacii hore ee AMISOM waxaana loo guuray magaca ATMIS (howlgalka kumeel gaarka ah ee Midowga Africa).
Tan iyo markii la billaabay howlgalka Nabad Ilaalinta, waxaa Soomaaliya ku dhintay 4,000 oo askari, sida uu shaaciyay Xafiiska Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.