Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa si weyn u xustay sannad-guurada 66-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo dowladda ay soo bandhigtay qorshayaal lagu xoojinayo awoodda ciidanka iyo daryeelka qoysaskooda.
Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay cududda iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidanka ay sameeyeen dhoollatusyo milatari oo muujinaya tayadooda iyo isku-duubnidooda.
Sannadkan, waxaa markii ugu horreysay bandhigga ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga, kuwaas oo dul heehaabay magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa iskaashiga milatari ee sii xoogeysanaya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, ayaa ka qeyb galay munaasabadda, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay daryeelka qoysaska askarta.
“Waxaan curinnay in maanta loo istaago agoontii Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed iyo dadkii u naafoobay difaaciisa,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Si loo xoojiyo dadaalladaas, Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay xarun lagu daryeelo agoonta Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo la filayo inay bixiso adeegyo waxbarasho iyo daryeel bulsho.


