Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa sheegay in Golaha Dhallinyarada Qaranka uu yahay gole dowladeed oo lagu dhisay xeer Madaxweyne, isagoo xusay in qorshaha dowladda uu yahay in mustaqbalka Golaha lagu maamulo hannaan doorasho oo ku saleysan siyaasad rasmi ah.
Wasiirka oo wareysi siiyay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in Golaha Dhallinyarada Qaranka markii ugu horreysay lagu dhisay xeer Madaxweyne oo soo baxay xilligii Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre uu dalka xukumayay, isla markaana dib loo soo nooleeyay burburkii dowladdii dhexe kaddib.
Wuxuu sheegay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ay hadda gacanta ku hayso diyaarinta siyaasadda Golaha, taas oo uu sheegay in dhawaan loo gudbin doono Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo.
“Hadda waxa uu ku sugan yahay magacaabis xeer Madaxweyne,” ayuu yiri Wasiirka.