Abidjan (Dawan)- Xulalka dalalka Ivory Coast (Côte d’Ivoire) iyo Nigeria ayaa caawa ku kulmi doona finalka koobka qaramada Afrika, iyada oo ciyaartu ka dhici doonto garoonka Alassane Ouattara Olympic Stadium ee ku yaala xaafada Epembe ee Magaalada Abidjan.
Ciyaarta ayaa billaaban doonta saacadda marka ay tahay xilliga Muqdisho 23:00
Garsooraha Finalka Koobka Afrika
Xiriirka kubbada cagta Afrika ee CAF ayaa garsoore Dahhan Bida oo u dhashay dalka Mauritania u magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta finalka koobka qaramada Afrika ee u dhaxaysa Ivory Coast iyo Nigeria.
Waddada ay Ivory Coast usoo martay finaal-ka
Group-yada
Ivory Coast Guinea-Bissau: 2-0. Ivory Coast vs Nigeria: 0-1. Ivory Coast vs Equatorial Guinea: 0-4.
Ivory Coast vs Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo: 1-0.
Xulka Ivory Coast ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka martigeliyay ee gaara finalka tan iyo markii ay Masar ku guulaysatay 2006-dii, waxayna u hanqal taagayaan koobkii saddexaad ee koobka qaramada Afrika kadib markii ay ku guulaysteen sannadihii 1992 iyo 2015
Waddada ay Nigeria usoo martay finaal-ka
Gruop-yada
Nigeria vs Equatorial Guinea: 1-1. Nigeria vs Ivory Coast: 1-0. Nigeria vs Guinea-Bissau: 1-0.
Nigeria vs Koonfur Afrika: Rigooreyaal (4-2), (waqti caadiga ah ah iyo waqti dheeriga ah 1-1). Nigeria ayaa ku guuleysatay koobka qaarada Afrika seddex jeer, waxaana ugu dambeysay 2013
Kulamada ay labada xul wada ciyaareen
Nigeria iyo Ivory Coast ayaa markii sideedaad ku kulmaya koobka qaramada Afrika (3 guul Nigeria, labo guul Ivory Coast, iyo labo barbaro ah), sida laga soo xigtay website-ka Opta.
5-tii kulan ee ugu dambeeyay, natiijadu waxay noqotay sida soo socota;
January 2024: Nigeria ayaa 1-0 ku garaacday Ivory Coast. February 2013: Nigeria ayaa 2-1 ku garaacday Ivory Coast. January 2008: Ivory Coast ayaa 1-0 ku garaacday Nigeria. February 2006: Ivory Coast ayaa 1-0 ku garaacday Nigeria. January: 2002 labada xul waxay ku kala baxeen 1-1.