Abidjan (Dawan)- Xulalka dalalka Ivory Coast (Côte d’Ivoire) iyo Nigeria ayaa caawa ku kulmi doona finalka koobka qaramada Afrika, iyada oo ciyaartu ka dhici doonto garoonka Alassane Ouattara Olympic Stadium ee ku yaala xaafada Epembe ee Magaalada Abidjan.
Ciyaarta ayaa billaaban doonta saacadda marka ay tahay xilliga Muqdisho 23:00
Garsooraha Finalka Koobka Afrika
Xiriirka kubbada cagta Afrika ee CAF ayaa garsoore Dahhan Bida oo u dhashay dalka Mauritania u magacaabay inuu dhex dhexaadiyo ciyaarta finalka koobka qaramada Afrika ee u dhaxaysa Ivory Coast iyo Nigeria.
Waddada ay Ivory Coast usoo martay finaal-ka
Group-yada
Ivory Coast Guinea-Bissau: 2-0.
Ivory Coast vs Nigeria: 0-1.
Ivory Coast vs Equatorial Guinea: 0-4.
Wareega 16-ka
Ivory Coast vs Senegal: Rigooreyaal 5-4 (Waqti caadiga ah iyo waqti dheeriga ah 1-1)
Afar dhammaadka
Ivory Coast vs Mali: 2-1.