Hargeysa (Dawan)- Min Hargeysa ilaa Muqdisho. Jabuuti ilaa Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee Soomaalida, waxaa mar qura is qabsaday dhambaallada tacsida ah kadib markii la xaqiijiyay inuu geeriyooday madaxweynihii afaraad ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Farriimaha tacsisidiisa ee madaxda kala duwan iyo waxgaradku waxay muujinayan shaqsiyadda Siilaanyo oo ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka tegay wax badan oo lagu xasuusan karo.
Hadaba maxaan ka naqaanaa taariikda Siilaanyo?
Dhalashada iyo Waxbarashadiisi Asaasiga
Axmed Maxamed Maxamuud, oo caan ku ahaa “Siilaanyo” , wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togheer sannadkii 1936kii. Mararka qaarna waxaa lagu sheegaa sanadka dhalashadiisa 1938. Waxbarashadiisii asaasiga, waxa uu kusoo qaatay 1940 meeyadii ilaa 60 meeyadii dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud.
Dibadda iyo Waxbarashadiisa Sare
Horaantii 1960, waxa uu Siilaanyo nasiib u yeeshay inuu helo fursad uu waxbarasho ugu aado Ingiriiska, isaga oo dhaqaalaha kasoo bartay Jaamcadda Manchester kana gaaray darajada Master-ka
Dib u soo noqoshadiisi iyo xilalalkii dowladdii Soomaaliya
Axmed Siilaanyo wuxuu ka shaqa billaabay Wasaaraddii Qorsheynta ee dowladdii rayidka ahayd sannadihii 1965kii ilaa 1969kii, isagoo gaaray heerka Agaasime Guud. Markii ciidamdu xoog kula wareegeen talada dalka 21kii October 1969kii, waxaa loo magacaabay Wasiirkii Qorsheynta. Xilalka kale ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa; Wasiirkii Ganacsiga iyo Guddoomiyihii Guddiga Dhaqaalaha Qaranka.