Hargeysa (Dawan) – Maamulka Somaliland ayaa qiray in ciidamada amnigu ay xireen dad ay sheegtay inay ka horyimaadeen go’aanka dhawaan ay Israa’iil ugu aqoonsatay Somaliland inay tahay dal ka madaxbannaan Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaamtay mid lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gudaha.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalla Maxamed Carab Sandheere, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in dadka la xiray lagu tuhunsan yahay inay falalkooda iyo hadalladoodu halis ku ahaayeen amniga, isla markaana ay ka gudbeen xadka xorriyadda aragtida. Wuxuu xusay in tallaabooyinka ay qaadeen ciidamada amnigu ay waafaqsan yihiin shuruucda Somaliland.
Wasiirku wuxuu caddeeyay in xukuumaddu ixtiraamayso xorriyadda hadalka, balse aysan oggolaan doonin diidmo kasta oo ka soo horjeeda ictiraafka Somaliland, gaar ahaan xilli ay Somaliland ku jirto marxalad xasaasi ah oo dhinaca siyaasadda dibadda ah. “Qaranimada Somaliland waa lama taabtaan, ictiraafkana waa lama taabtaan,” ayuu yiri Cabdalla Maxamed Carab Sandheere.







