Soomaaliya, 25 Febraayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, ayaa Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud u magacaabay safiirki ugu horeeyay isla markaana idman ee u fadhin doona Israa’iil, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada maanta oo Arbaco ah.
Madaxtooyada ayaa sheegtay in safiirka cusub uu yeelan doono dhammaan awoodaha diblomaasiyadeed, xuquuqaha, iyo waajibaadka la xiriira xafiiska, isagoo ku shaqaynaya qaab-dhismeedka dastuurka Somaliland iyo borotokoollada caalamiga ah ee diblomaasiyadda.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa la sheegay inay aqbashay magacaabista, waxaana qorsheynaysa inay dhawaan magacawdo safiirkeeda Hargeysa, taasoo qayb ka ah xoojinta xiriirka labada dhinac.




.jpg&w=3840&q=75)

