Muqdisho (Dawan) -Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan u cambaareysay weerarro ay sheegtay in kooxda Xuutiyiintu ay ku qaaday garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Abha iyo King Khalid ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay maanta ayay ku sheegtay in weerarradu ay xadgudub weyn ku yihiin sharciga caalamiga ah, isla markaana ay khatar ku yihiin madax-bannaanida Sacuudi Carabiya iyo amniga gobolka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay garab istaag ay la garab taagan tahay Riyadh, iyadoo xustay in amniga gobolka Gacanka iyo Badda Cas uu si dhow ula xiriiro amniga Soomaaliya.