Muqdisho, Abriil 12 (Dawan) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah dhagax-dhigtay xarunta Hay’adda Daryeelka Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ku soo beegantay xuska 66 sano guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Xarunta waxaa xariga ka jaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo ay goob joog ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, iyo saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Hay’addan cusub ayaa bixin doonta daryeel, waxbarasho iyo taageero bulsho oo loo fidiyo carruurta ay ka tageen askarta ku naf-waayay difaaca dalka. Go’aanka hay’adda lagu dhisayo ayaa yimid kaddib markii Golaha Wasiirradu ay ansixiyeen soo jeedin ka timid Wasaaradda Gaashaandhigga.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in hay’addu ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo daryeelka qoysaska ciidamada, si carruurta shuhadada ay u helaan waxbarasho iyo nolol sharaf leh.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay waajib qaran oo lagu daryeelayo qoysaska naf-huridda sameeyay.


