Muqdisho, Abriil 12 (Dawan)— Soomaaliya ayaa gudaha dalka ku qaban doonta dhammaan tababarada milatari ee aasaasiga ah, sida uu sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud maanta oo Axad ah, xilli dalka uu xusayay 66 sano guurada aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Wasaaradda Gaashaandhigga, oo lagu xusayay 66-guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay xoojinayso akadeemiyada milatari ee gudaha dalka iyo hay’adaha istiraatiijiyadda difaaca. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay joojisay dirista tababarrada aasaasiga ah ee ciidamada ee dibadda.
Waxa uu sheegay in la furi doono Jaamacad Difaac oo lagu tababaro saraakiisha sare iyo kuwa ka shaqeeya istiraatiijiyadda milatari.
“Mardhow Jaamacaddii difaaca ayaa halkan ka fureynaa, saraakiisha ugu waa wayn ee istiraatiijiyadda difaaca iyo hub qatara ku sameenno” ayuu yiri Madaxweynaha.
Waxa uu intaa ku daray in askarta cusub ay mari doonaan ugu yaraan lix bilood oo tababar ah oo gudaha dalka lagu qaato, ka hor inta aan la dirin, taas oo qayb ka ah dib-u-habeyn lagu xoojinayo anshaxa, xirfadda iyo diyaar-garowga ciidanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay doorka taageerada caalamiga ah, gaar ahaan Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM Somalia), kaas oo uu sheegay inuu ka caawiyay tababarka saraakiisha iyo dhismaha awoodda hay’adaha milatari.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay si tartiib ah ula wareegayso tababarka ciidamada, iyadoo weli la ilaalinayo iskaashiga caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ammaan u jeediyay ciidamada shisheeye iyo kuwa Midowga Afrika ee ka taageera Soomaaliya howlaha amniga.


