Muqdisho (Dawan)— Soomaaliya ayaa maalgashadayaasha Bariga Afrika ugu baaqday inay maalgashadaan dalka, iyadoo mas’uuliyiin iyo ganacsato ay ka wada hadleen sidii looga faa’iidaysan lahaa xubinnimada Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso inay ka faa’iidaysato suuqa gobolka, isla markaana ay soo jiidato maalgashi ku wajahan kheyraadka iyo wax-soo-saarka dalka.
“Waxaan rabnaa inaan uga faa’iideysanno suuqaas ballaaran, inaan geyno Soomaaliya waxyaabaha ay soo saarto, isla markaana aan ka faa’iideysanno sidii maalgashi ballaaran loogu heli lahaa kheyraadka dalka,” ayuu yiri Cibaar.
Hadalladiisa ayaa ka dhacay shir ganacsi iyo maalgashi oo Muqdisho lagu qabtay Isniintii, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo East African Business Council (EABC).
EAC ayaa sheegtay bishan in ururku leeyahay in ka badan 331 milyan oo qof iyo dhaqaale isku-dar ah oo ku dhow $357 bilyan, iyadoo ku baaqday in la xoojiyo iskaashiga dowladda iyo ganacsatada si loo kordhiyo ganacsiga gobolka.
Cibaar ayaa sheegay in fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ay ka mid yihiin dhaqaalaha badda iyo kalluumeysiga, xoolaha, beeraha, saadka iyo gaadiidka, isgaarsiinta iyo tamarta la cusboonaysiin karo.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la kordhiyo warshadaynta gudaha, si wax-soo-saarka Soomaaliya loogu farsameeyo dalka ka hor inta aan loo dhoofin suuqyada gobolka.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Gamal Maxamed Xasan, ayaa sheegay in xubinnimada EAC aysan ku koobnaan ka mid ahaanshaha ururka, balse ay tahay in laga abuuro fursado ganacsi oo wax ku ool ah.