Nairobi (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujisay saameynta ka dhalan doonta suurta galnimada isbaheysi dhax mara kooxda Al-Shabaab oo muddo dheer ka dagaalameysay gudaha Soomaaliya iyo kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, sida uu sheegay safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Jabriil oo wareysi siiyay wargeyska The East African ayaa tilmaamay saameynta ay weerarada Xuutiyiintu ku yeelan karaan dhaqaalaha Soomaaliya iyo inuu jiro walwal kale oo ah in ay argagixisadu ku xoogeysato Gobolka.
“Marka ay Xuutiyiintu carqaladeeyaan ganacsiga caalamiga ah, macnaheedu waa inuu saameyn doono dhaqaalaheenna. Waxaan sidoo kale walwal ka qabnaa in falalka argagixsadu ku bataan Gobolkeena” ayuu yiri, Danjire Jabriil.
Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto casbi ah in Kooxda Xuutiyiintu ay hub iyo saanad kale oo ciidan ay siiso kooxda Al-Shabaab, isaga oo yiri, “ Waxaan ka walaacsanahay arrimo la xiriira argagaxisada, burburinta dhaqaalaha iyo in Al-Shabaab ay hub badan iyo saanad sharci darro ah ka helaan Xuutiyiinta”
Sidoo kale, safiirku waxa uu caddeeyay in haddii isxulufyesi dhax maro labada koox ay ka dhalan doonto saameyn ballaaran oo ka baxsan awoodda iyo gudaha Soomaaliya.