Muqdisho (Dawan)— Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa sheegtay Isniintii inay Muqdisho ka daahfurtay xarun caafimaad oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya, gaar ahaan kuwa nugul ama u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Sida ay Hay’addu sheegtay, xarunta caafimaadka ayaa laga hirgeliyay xarunta lagu soo dhaweeyo laguna taageero qaxootiga, muhaajiriinta iyo Soomaalida dalka kusoo laabanaysa, waxaana laga bixin doonaa baaritaanno caafimaad, daaweyn, daryeel caafimaad iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah.
Waxay bixin doontaa baaritaanno caafimaad, daaweyn, daryeel caafimaad iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah. Sida uu sheegay Guddoomiyaha Hay’adda, Liibaan Cabdi Cigaal, dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal ayaa ka shaqayn doona xarunta.
Dhanka kale, Ururka Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay iyo Ururka Ganacsatada Dawooleyda Soomaaliyeed ayaa Hay’adda ku wareejiyay in ka badan 250,000 oo qaybood oo daawo ah, kuwaas oo loogu talagalay in lagu daboolo baahiyaha caafimaad ee dadka soo laabanaya.
Maxamed Cabdullaahi Ciise, oo ku hadlayay magaca Ururka Isbitaallada Gaarka loo Leeyahay, ayaa sheegay in ururku uu doonayo inuu qayb ka qaato taageerada dadka nugul ee Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in iskaashiga isbitaallada gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada dawooyinka uu gacan ka geystay in xaruntu hesho adeegyo caafimaad oo ay ka mid yihiin meel lagu baaro laguna daweeyo bukaannada iyo farmashiye.