Soomaaliya (Dawan) – Telesom, oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ugu waaweyn Soomaaliya, ayaa deeq lacageed oo dhan $100,000 ku taageertay bulshada ku nool Waqooyi Bari oo ay abaartu saameysay. Lacagtaas ayaa lagu wareejiyay Guddiga Abaarta ee Waqooyi Bari si loogu taageero dadka deegaanka ee ay abaaruhu saameeyeen.
Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ku nool gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer, kuwaas oo ka mid ah deegaannada ugu daran ee ay abaartu saameysay guud ahaan dalka. Deegaannadani waxay la kulmeen abaaro xooggan oo sababay cunto iyo biyo yari, taas oo saameysay kumannaan qoys. Abaartu waxay sidoo kale keentay dhimashada xoolihii dadka deegaanka, kuwaas oo ahaa ilaha ugu muhiimsan ee noloshooda, taasoo dhalisay xaalad adag oo dhaqaale iyo mid bini’aadamnimo.
Deeqda Telesom ayaa qayb ka ah dadaallada ay wadaan hay’ado iyo shirkado kala duwan si ay uga qeyb qaataan gargaarka degdegga ah ee ay dowladda iyo hay’adaha samafalku gaarsiinayaan dadka dhibaataysan.






