Antalya (Dawan)— Turkiga ayaa qorsheynaya inuu xaruntiisa hawada sare ee laga dhisayo Soomaaliya u adeegsado tuurista gantaalladiisa, sida uu Jimcahan maanta ah sheegay Wasiirka Warshadaha iyo Teknolojiyadda ee dalkaas, Mehmet Fatih Kacır, oo faahfaahiyey qorshaha Ankara ee ku aaddan helitaanka awood madax-bannaan oo hawada sare lagu gaaro.
Kacır oo ka hadlayey dood cinwaankeedu ahaa “Mustaqbalku Halkaan ayuu ka Bilaabmaa: Teknolojiyadda, Hawada Sare iyo Jiilka Cusub”, intii uu socday Shirweynaha 77-aad ee Caalamiga ah ee Hawada Sare (IAC 2026) oo ka dhacay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, ayaa sheegay in xaruntu xoojin doonto awoodda dalkiisa ee horumarinta iyo tuursita gantaalladiisa, isla markaana ay ka caawin doonto inuu ka faa’iideysto baahida sii kordheysa ee caalamka u qabo adeegyada hawada sare.
“Turkiga ayaa Soomaaliya ka dhisaya xarun hawada sare ah, goob aad ugu dhow dhulbaraha,” ayuu yiri Kacır, isaga oo intaas ku daray in xarunta laga dhisayo dhul baaxad weyn oo Soomaaliya u qoondaysay Turkiga.