Beledweyne (Dawan)— Ugaaska guud ee beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa maanta oo Axad sheegay inaysan ka laaban doonin mowqifkooda ku aaddan hoggaanka cusub ee Hirshabeelle, xilli uu khudbad ka jeedinayay bannaanbax ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Ugaaska ayaa sheegay inay ku adkeysan doonaan mowqifkooda, isla markaana aysan uga hari doonin cadaadis ama cabsi, isaga oo dadweynihii bannaanbaxa ka qaybgalay ugu baaqay midnimo, wadajir iyo ilaalinta nabadda iyo sharafta deegaankooda. Wuxuu sidoo kale dadkii goobta joogay weydiiyay inay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan badbaadinta Soomaaliya iyo gobolka Hiiraan.
Bannaanbaxa ayaa ahaa mid uu Ugaasku hore ugu baaqay 12-kii Nofeembar, kaddib kulamo wadatashi ah oo magaalada Beledweyne ku dhexmaray hoggaanka dhaqanka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Warmurtiyeed laga soo saaray kulamadaas ayaa lagu diiday doorashadii hoggaanka Hirshabeelle ee 24-kii Oktoobar ka dhacday magaalada Jowhar, taas oo dib loogu doortay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, halka Cabdifataax Xasan Afrax loo doortay madaxweyne ku-xigeen.