Beledweyne (Dawan)— Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo hore u soo noqday Taliyaha Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, ayaa ku baaqay in shacabka gobolka Hiiraan la siiyo fursad ay codkooda ku muujiyaan mowqifka ay ka qabaan hoggaanka Hirshabeelle, xilli uu khudbad ka jeedinayay bannaanbax ka dhacay magaalada Beledweyne.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in codbixintu tahay hab lagu ogaan karo rabitaanka dadweynaha, isaga oo tusaale u soo qaatay aftidii ay Boqortooyada Ingiriisku kaga baxday Midowga Yurub. Wuxuu tilmaamay in markii aftidaasi dhacday, Ra'iisul Wasaarihii Ingiriiska ee xilligaas, David Cameron, uu aqbalay natiijada codbixinta, isla markaana uu xilka ka degay kaddib markii shacabka ay taageereen ka bixitaanka Midowga Yurub.
Xildhibaanka ayaa ku dooday in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay sidoo kale tahay inay tixgeliyaan rabitaanka bulshada ay matalaan, halkii hoggaanka lagu go'aamin lahaa magacaabis aan ku dhisnayn oggolaanshaha dadweynaha. Wuxuu dhaliilay waxa uu ku tilmaamay in go'aannada maamulka Hirshabeelle laga gaaro Muqdisho, isaga oo sheegay in dadka deegaanka ay tahay inay door ku yeeshaan go'aaminta hoggaankooda.
Sanbaloolshe ayaa carrabka ku adkeeyay in mowqifkooda siyaasadeed uusan ka dhignayn inay doonayaan burburinta dowladnimada Soomaaliya, balse ay raadinayaan hannaan maamul oo ku dhisan rabitaanka bulshada. Isaga oo la hadlayay dadweynihii bannaanbaxa ka qaybgalay, ayuu sheegay in tallaabooyinkii ay ilaa hadda qaadeen ay ahaayeen kuwo nabadeed, isla markaana ay doonayaan inay sidaas ku sii socdaan.