Muqdisho (Dawan) — Soomaaliya iyo 17 dal oo kale ayaa si adag u cambaareeyay weerar cirka ah oo Israa’iil ku qaadday Xarunta Caafimaadka Nasser ee magaalada Khan Younis, ee koonfurta Gaza, kaas oo la sheegay inuu sababay khasaare soo gaaray bukaanno iyo shaqaale caafimaad.
Bayaan wadajir ah oo ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, ayay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkan ku tilmaameen weerarka xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, kaas oo ilaalin gaar ah siinaya xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha ka hawlgala.
Bayaanka waxaa si wadajir ah u soo saaray Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Qatar, Suudaan, Liibiya, Falastiin, Cumaan, Sacuudi Carabiya, Muritaaniya, Urdun, Imaaraadka Carabta, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Aljeeriya, Kuwait iyo Lubnaan.
Dalalkan ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarrada Israa’iil ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee Falastiin, gaar ahaan duqeymaha lagu beegsado teendhooyinka iyo goobaha ay deggan yihiin dadka barakacay. Waxay ka digeen in weerarradani ay halis gelinayaan heshiiska xabbad-joojinta iyo dadaallada lagu soo celinayo amniga iyo xasilloonida Gaza, isla markaana ay wiiqayaan qorshaha nabadeed ee Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Dalalkan ayaa walaac ka muujiyay xannibaadaha Israa’iil ku soo rogtay gelitaanka gargaarka bani’aadannimo, oo ay ku jiraan teendhooyinka, guryaha guurguura, agabka hoyga iyo sahayda caafimaadka. Waxay sheegeen in xannibaadahani ay sii xumeynayaan xaaladda bani’aadannimo ee Gaza, xilli uu soo dhow yahay xilliga jiilaalka, iyadoo ay jiraan barakac baahsan iyo hoos u dhac ku yimid adeegyada biyaha, nadaafadda iyo caafimaadka.
Wasiirrada ayaa xusay in carruurta iyo dhallaanku ay si gaar ah ugu nugul yihiin dhibaatooyinka caafimaad iyo khataraha ka dhasha qabowga daran. Waxay Israa’iil ugu baaqeen inay si degdeg ah u fuliso waajibaadka ka saaran heshiiska xabbad-joojinta, Heshiiska Sharm el-Sheikh, qorshaha nabadeed ee Madaxweynaha Mareykanka iyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2803 (2025).