Muqdisho (Dawan)— Soomaaliya iyo Hindiya ayaa Sabtidii magaalada Muqdisho ku yeeshay wadahadallo ku saabsan xoojinta iskaashiga difaaca, gaar ahaan amniga badda, la-dagaallanka argagixisada iyo horumarinta awoodda ciidamada. Sida uu qoray wargeyska The Times of India, wadahadallada ayaa dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Sripriya Ranganathan, oo ah Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan arrimaha Qunsuliyadaha, Baasaboorrada iyo Muwaadiniinta Hindiya ee Dibadda.
Labada masuul ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amniga gobolka iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga difaaca ee labada dal.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa qoraal uu ku baahiyey barta X ku sheegay in kulanku diiradda saaray xoojinta xiriirka iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Hindiya.
Ranganathan ayaa Sabtidii soo gaartay Muqdisho, iyadoo booqasho rasmi ah ku joogta Soomaaliya. Booqashadan ayaa lagu tilmaamay tii ugu horreysay ee masuul Hindi ah oo heerkan ah uu dalka ku yimaado muddo sannado ah.