Muqdisho (Dawan)— UK ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ugu baaqday inay sii wadaan wada-hadalka oo ay dhisaan is-afgarad ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed iyo kala-guurka amniga ee dalka, xilli Wasiirka UK u qaabilsan Horumarinta iyo Afrika Kirsty McNeill ay booqasho ku timid Muqdisho.
McNeill ayaa la kulantay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka wada hadleen mudnaanta Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga, oo ay ku jirto baahida loo qabo in horumar laga sameeyo kala-guur amni oo lagu kalsoonaan karo oo waara oo ay Soomaaliya hoggaaminayso, sida ay dowladda UK ku sheegtay bayaan ay maanta oo Arbaco ah soo saartay.
Wasiiraddu waxay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqday inay galaan wada-hadal wax-ku-ool ah oo xoojinaya midnimada qaranka, horumarinaya geeddi-socodka siyaasadeed, isla markaana lagu gaarayo is-afgarad ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya.
UK waxay sheegtay in horumarka laga sameeyo wada-hadalka siyaasadeed iyo kala-guurka amniga uu muhiim u yahay sii wadidda kalsoonida iyo taageerada caalamiga ah.
Booqashadu waxay ahayd tii ugu horreysay ee McNeill ay ku tagto Soomaaliya, iyadoo UK ay sheegtay inay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo dadaallada lagu dhisayo dal xasilloon, ammaan ah oo barwaaqo ah.
Wasiiraddu waxay sidoo kale kala hadashay dhinacyada Soomaaliya caqabadaha bani’aadannimo iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo awoodda bulshada ay uga hortagi karto dhibaatooyinka mustaqbalka.
Intii ay booqanaysay bakhaar ay leedahay Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) oo ku yaalla Muqdisho, McNeill waxay aragtay sida taageerada UK loo gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaarta iyo cunto-yaridu.