Ukraine, 26 Febraayo 2026 (Dawan) — Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in in ka badan 1,700 muwaadiniin Afrikaan ah ay hadda ku jiraan safafka ciidamada Ruushka ee dagaalka ka socda dhulka Ukraine, iyadoo xustay in badankood lagu qanciyay ballanqaadyo shaqo oo marin-habaabin ah ka hor inta aan la gaynin furimaha dagaalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa shir jaraa’id oo ka dhacay magaalada Kyiv ku sheegay, isaga oo garab taagan dhiggiisa Ghana Samuel Okudzeto Ablakwa, in xogta Kyiv ay muujinayso joogitaanka ku dhowaad 1,780 qof oo ka kala yimid 36 dal oo Afrikaan ah oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Ruushka.
Arrintan ayuu ku tilmaamay mid sii kordhinaysa walaaca dowladaha Afrika ee ku saabsan xaaladda muwaadiniintooda iyo hababka loogu adeegsado dagaalka.
“Waxaan si cad u aragnaa in Ruushku isku dayayo inuu muwaadiniin Afrikaan ah soo geliyo dagaal dhimasho badan leh,” ayuu yiri Sybiha, isaga oo intaas ku daray in qaar badan oo ka mid ah dadka la qoray aysan lahayn tababar ama khibrad ciidan, isla markaana lagu khiyaaneeyay shaqooyin rayid ah oo aan la xiriirin dagaal toos ah.
Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda Ghana ayaa cambaareeyay hannaanka askaraeynta la sheegay, isaga oo muujiyay garab istaagga dalkiisa ee Ukraine, kuna tilmaamay arrinta mid leh saamayn amni iyo mid xuquuq-aadanimo oo isku dhafan. Waxa uu sheegay in dowladdiisu ay qorsheyneyso inay ka faa’iidaysato hoggaanka soo socda ee ururka ECOWAS si kor loogu qaado wacyiga ku saabsan shabakadaha ka shaqeeya askareynta, si loo qaado tallaabooyin adag oo muwaadiniinta Afrikanka looga badbaadinayo halista.








